Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarado dagaal oo duqeyn culus u geystay gawaari ay saarnayeen madax ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelcadde (Caasimadda Online) – Duqaymaha ay fuliyeen diyaarahan ayaa waxa la sheegay inay la beegsadeen gaadiid gaaraya ilaa 3 kuwaas oo ay saarnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab sida  xaqiijyeen saraakiisha amniga

Waxa ay saraakiishu noo sheegeen in ay ku dhinteen 13 katirsan Alshabaab kuwaas oo ku wajahnaa degaanka Buusaar oo katirsan gobolka gedo iyagoo ka soo baqoolay degaanka ceelcadde

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in sarkaal katirsan Alshabaab oo una qaabilsanaa gobolka gedo uu dhaawac kasoo gaaray .

Sidoo kale waxaa jirta in Alshabaab aysan wali wax war ah kasoo saarin ee la xiriira  duqaymaha ay fuliyeen diyaaradahan dagaal.

Inta badan diyaaraha dagaal oo inta badan laga leeyahay dalka maraykanka ayaa waxa ay duqaymo ka gaystaan qaybo kamid ah gobolada dalka ee ay ku sugan yihiin Alshabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this