Deeq A. Posted February 14, 2019 Mid ka mid ah wasiiradii uu dhowaan magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa ku dhowaaqay inuu is casilay. C/salaam C/laahi Yalaxow Catoosh oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka kana mid ah mudanayaasha baarlamaanka K/galbeed ayaa xilkaasi iska casilay. Sababta Catoosh isku casilay ayuu ku sheegay in beesha uu kasoo jeedo aanay xilkaasi u qalmin ayna filanayeen in wasiir buuxa la siiyo. Waxa uu tilmaamay in haddii ay waayeen ka beel ahaan wasiir buuxa aanay waxbo u tareyn xilka wasiir ku xigeenka. Dhanka kale, Xildhibaan Catoosha ayaa ugu hambalyeeye wasiirada cusub xilalka loo kala dhiibay, wuxuuna ugu baaqay in ay gutaan waajibka saaran. C/salaan C/laahi ayaa ka mid ahaa wasiiradii shalay uu soo magacaabay madaxweyne Lafta Gareen. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites