Sign in to follow this  
Deeq A.

Tahriibayaal Lagu Qabtay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso(SMN)- Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in taliska Booliska magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen gawaari siday dad tahriibayaal ah.

Taliyaha Booliiska magaalada Boosaaso General Muxidiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan ilaa todobo gaadiid oo ay saarnaayeen dad la doonayay in laga tahriibiyo magaalada Boosaaso.

Sidoo kale taliyaha Booliiska Boosaaso ayaa tilmaamay in ay la wareegi doonaan gaadiidkaasi isla markaana ay maxkamad soo taagi doonaan ragii wax tahriibinayay.

Dhawaan ayey aheyd markii maamulka Puntland uu soo saaray amaro diidaya in laga tahriibo magaalada Boosaaso,cidii ay falkaasi ku soo qabtaana sharciga la horgeyn doonaan.

The post Tahriibayaal Lagu Qabtay Boosaaso appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this