Deeq A. Posted February 14, 2019 Baardheere(SMN)- Wararka laga helayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xaalad Kacsanaan ah ay ka jirto Degmadaasi. Ciidamo ka amar qaata Ismaaciil sheikh Qorax gudoomiye ku xigeenkii hore ee Baardheere ayaa si xoog ah kula wareegeen xarunta uu ku shaqeenayay Maamulka Degmada. Arintan ayaa sabab u ah Khilaaf siyaasadeed oo mudo dhawr Bilood ah ka dhex jiray Cabdulaahi Nuur xassan Cadoow iyo Ismaaciil Shiekh Qorax oo ku murunsan maamulka degmada Baardheer. Ismaaciil sheikh qorax oo gudoomiye ku xigeen u ahaa Cabdulahi Cadoow ayaa loo magacaabay gudoomiyaha degmada Baardheere,laakiin mudo kadib ayaa loo mar kale loo magacaabay gudoomiye ku xigeen. Jahwareerkan Maamul ayaa sababay in degmada Baardheere xalay laga dareemay xaalad kacsanaan ah,waxaana la sheegay in rasaas xoogan laga maqlayey xaafado kamid ah Baardheere iyadoo uu ku sugan yahay halkaasi Madaxweyne Ku xigeenka Jubalanad Maxamuud Sayid Aadan. Xaalada ka taagan degmada Baardheere ayaa waxaa ay sababtay in dhawaan ay degmadaasi ay la wareegaan ciidamo gadoodsan oo diiday in ay soogalan gudaha degmadda baabuurta waaweyn ee sida adeegyada Ganacsiga. The post Xiisad Dagaal Oo ka Taagaan Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites