Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag loo haysto dilkii Salaad Abdi oo la qabtay + Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska ee gobolka Puntland ayaa magaalada Bosaaso ku soo bandhigay Ragii ka dambeeyay dilkii Ganacsade Salaad Cabdi Cukaashe .

Raga dilka gaystay ayaa qirtay in ay falkan ka dambeeyeen, iyagoona sheegay in ay ku dileen  Mobilkii uu watay .

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Je. Muxiidiin Axmed Muuse oo Bosaaso kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in  dhalinyaradan ciidamada ay u suurta gashay in ay soo qabtaan kadib baadi goob xoogan oo ay sameeyeen .

Amaanka magaalada Bosaaso ayaa maalmihii udabeeyay ahaa mid faraha ka baxay tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii maamulihii shirkada P&O ee dekeda Bosaaso.

Ciidamo uu hogaaminayo Taliyana ciidamada Booliska Puntland ayaa lageeyay magaalada si ay amniga u soo celiyaan,waxayna sidookale Bosaaso .

Snapshot_5-5.png Snapshot_2-3.png Snapshot_4-1.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this