Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda cusub ee Puntland ma heli doonta kalsoonida Baarlamanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalinta sabtida ee ku beegan 16-ka bishaan Febraayo, waxaa la horgeyn doona xildhibaannada Baarlamanka, si ay u ansixiyaan.

Madaxweynaha ayaa Axaddii la soo dhaafay magacaabay, xukuumad ka kooban 48 xubnood oo isugu’ jira wasiiro, wasiiro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, kadib markii uu wada-tashiyo kala duwan la yeeshay dhinacyada ay khusayso.

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa la filayaa in Sabtida ay si wadar ah codka kalsoonida ugu qaadan wasiirada cusub, maadaama ay hore u ansixiyeen go’aankaasi.

Inkastoo mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ay ku kala aragti duwan yihiin, habka buuxinta awood-qeybsiga ee xukuumadda cusub, hadanna waxa la filayaam in ay kalsoonida siiyaan, maadaama aysan badneyn xildhibaannada mucaaradsan.

PUNTLAND POST

FB_IMG_1549987535460.jpg?w=1000&ssl=1

The post Xukuumadda cusub ee Puntland ma heli doonta kalsoonida Baarlamanka? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this