Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeegaantii Tuugay Noqotay 12/2/019

Recommended Posts

Deeq A.   

Isbahaysatadii jeegaantu waxay noqodeen tuugo,calooshooda u shaqaystayaal ,waxabadan dadka waanu usoo bandhignay in ay jeegaantu dalkii murdisay oo ay diiratay, markaa ,maanta in 80miilion ay jeegaantu tidhaahdo way nagu go antahay ,waa mid subxaana leh ,80 million maanta waxay inooqaban lahaayeen waxaa kamid aha ,warshada Barbara oo ay inoo kiciso, biyaha magaalada hargaysa oo lagu dhamaystiro,warshad laydh oo qiimo lahe oo dadka ka jabisa korontada qaaligaa, oo ay inoo dhisto.

2D5BC6CA-CF5E-422D-ABCB-43B9F5ED3B27.png

Hadaba lacgataasi meel kale majirto ,waxay ku jirtaa sanduuqyo.mastar card,prepaid banka, iyo in dibada loola firxaday, hadab waayo nin kasta oo xukmadii siraanyo ka tirsani wax uu lahaa sanduuq ay lacgtu ugu dhacdo ,iyo mastar

card loogu shub, ,hadaba reer Somaliland way wada ogyahiin xaqiiqada iyo sidii wax loo lusan jiray,
Hadaba tuugtii tuugadu side loo ga soo saari karaa lacagtaas ,waa in shacabku iyo bulshadu ugoodaan xaqiiqada jirta, oo dowlada lagu qasbaa in ay talaabo qaado oo baadhitaan qoto dheer la sameeyo, waayo marka madaxda caalamaku markay lacag dibadaha dhigtaan sida ,BANAMA, waa la daba galaa oo bananankaa ayaa soo dhigaa, oo sidii nawal shariif laga xayuubiyaa xasaanada, kadib markii lagu helay lacago uu dibada dhigtay, iyo musuqmaasuqa

Si daas darteed ,dadwaynahu waxay u baahan yahiin qancin, iyo cida iyo halakay lacagta intaas leegi martay, waayo waxaan xasuustaa heestii ololaynta ee jeegaanta “ beeshu way haraadoo hormood uma maqnee” markaa muuse ha noo sheego in uu lacagtaas difaacayo iyo in kale iyo in uu badhideeda ku maqan yahay, waayo , hore ayaanu u sheeganay muuse waxaa meesha loo keensaday in waxii beeshii haraadanayd musuqmaasuqday in uu ka difaaco oo uuka danbabaso,

Wasiirka maaliyadan sacad cal shirana markii hore run buu sheegay, laakiin waa lau qasbay in uu beeniyo, somaaliduna waxay tidhaahdaa “ allow been iyo run hanaga wada yeedhsiinin” bilow ilaa dhamaadna sacd cali shire guntuu ugu jiray dowladii siiraanyo oo wuu ogyahay waxa jira,

Markaa jeegaantii tuugay noqotay, muusan tuugadaas buu difaac uyahay,waayo caalamkiibaa yaabay oo fajacay 80MIILION waxaa la iswaydiinayaa iyagoon ictiraaf haysan bay sidan yahiine hadhow ha dii la ictaraafana maxay samayn,

Gabogabadii

Muusow ama qari ama ha qarinin amaba difaac hama ha difaacin ee adaa lagaa yaqaan in aad banaanka soo dhigto,hadii kale waxaad kugu xukumaynaa tuug kalkaal, banaanka adigu noo soo dhiguun, waayo. Lacagaha qaarna waxay ku jirtaa fooqaqan dhaadheer amaba sheerer bay ku jirtaa,

By: khadar adam aw muuse

mixile190@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this