Deeq A. Posted February 13, 2019 Muqdisho (SMN) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari lagu xiray oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Zoobe ee M/Muqdisho. Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in uu lahaa Xildhibaaan Cali Cartan Bidaar oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Xildhibaanku, uusan la socon gaariga, xilliga uu qarxayay. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay hal Qof oo ahaa wadihii gaariga Xildhibaanka, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo shacab ahaa. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa k warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites