Deeq A. Posted February 13, 2019 Muqdisho (SN) – Holwgalka Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya ayaa xeelado dagaal u xiri doona qaar ka mid ah fariisimaha ay ku leeyihiin gobollada dalka dabayaaqada bishan,marka kun askari laga dhimo howlgalkooda Soomaaliya. Qeybtii koowaad ee dhimitaanka ciidamada AMISOM ayaa la filayay in la sameeyo bishii Decmber ee sanadkii tagay,maadaama qeybtii ugu horreysay ee ciidankaasi la dhimay bishii December 2017-kii. Golaha ammaanka ee QM ayaa doonaya in ciidamada AMISOM ay ammaanka dalka si buuxda ugu gacan galiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2020-ka. Taliyeayaasha ciidamada AMISOM ayaa tilmaamay in ay xiri doonaan qaar kamid ah saldhigyada ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,iyagoo sheegay in taasi qeyb ka tahay xeyladaha ay kula dagaalamayaan Al Shabaab. Si kastaba ha’ahaatee taliyeyaal ka socda wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho uga socday kulamo gaargaar ah oo ay uga wada hadlayeen qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya. The post AMISOM Oo badaleysa xeeladaheeda dagaal appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites