Deeq A. Posted February 13, 2019 Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo miino oo kolonyo ka tirsan ciidanka Midowga Africa ee AMISOM maanta lagula eegtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in lala bartimaameedsay ciidankan, xilli ay marayeen inta u dhexeysa isgosyka Ex Kontarool Balcad iyo Miisaanka Dhuxusha ee degmadaasi. Sidoo kale qaraxa labaad ayaa lala eegtay kolonyo kale oo ka titsan AMISOM oo u soo gurmaday ciidamadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM ee Soomaaliya. Inta badan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa qaraxyo xoogan lagula beegsadaa waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. The post Ciidamada AMISOM Oo qaraxyo lagula eegtay Yaaqshiid appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites