Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM Oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (SMN) – War ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda duqeymaha ay weerar xaga cirka ah ku qaadeen fariiisimo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM  ayaa lagu sheegtay in weerarkaasi uu dhacay 11-kii bishan February ee 2019-ka.

Duqeymaha oo labo ahaa ayuu Mareykanku sheegay in uu ku dilay 11 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale Mareykanka ayaa xusay in duqeymahaasi uu ku burburiyay agab milatari oo ay lahaayeen Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkan kordhisay duqeymaha dhinaca cirka ah ee ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post AFRICOM Oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this