Deeq A. Posted February 13, 2019 Dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan waxaa laga war-gelinayaa in boos shaqo uu ka banaan yahay website-ka Caasimada Online. Shaqada banaan ayaa ah qeybta qorista wararka, warbixinada iyo xog uruurinta. Shuruudaha shaqo ee laga doonayo qofka soo codsanaya booskan ayaa ah. 1 – Aqoon saxaafadeed iyo hab qoraal wanaagsan, oo aan u baahneyn in dib qof warka looga qoro. 2 – Ugu yaraan saddex sano oo khibrad saxaafadeed ah, oo uu qofka ku shaqeeyey. 3 – Inuu yahay qof xog-ogaal ah, islamarkaana leh xiriir wanaagsan oo dhinaca ilaha wararka ah, islamarkaana heli kara xogta wararka aan dibedda oolin. 4 – Aqoonta luuqad aan Soomaali ahayn, sida English ama Carabi midkood. 5 -Awood u leh taxliilinta wararka kadib marka ay dhacaan. Caasimada Online waxay bixineysaa mushahar wanaagsan, waxayna kugu soo dhoweeneysa hab shaqo oo wanaagsan. Qofka booskan hela ma shaqeyn doono wax ka badan 5 saac, 24-kii saacba, si uu fursad ugu helo qoyskiisa, waxbarashadiisa ama howlihiisa kale. Haddii aad rumeysan tahay inaad buuxin karto shuruudahaas, fadlan codsigaaga kusoo dir emailka: caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites