Sign in to follow this  
Deeq A.

Ogeysiis: Shaqo ka banaan Caasimada Online

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan waxaa laga war-gelinayaa in boos shaqo uu ka banaan yahay website-ka Caasimada Online. Shaqada banaan ayaa ah qeybta qorista wararka, warbixinada iyo xog uruurinta.

Shuruudaha shaqo ee laga doonayo qofka soo codsanaya booskan ayaa ah.

1 – Aqoon saxaafadeed iyo hab qoraal wanaagsan, oo aan u baahneyn in dib qof warka looga qoro.

2 – Ugu yaraan saddex sano oo khibrad saxaafadeed ah, oo uu qofka ku shaqeeyey.

3 – Inuu yahay qof xog-ogaal ah, islamarkaana leh xiriir wanaagsan oo dhinaca ilaha wararka ah, islamarkaana heli kara xogta wararka aan dibedda oolin.

4 – Aqoonta luuqad aan Soomaali ahayn, sida English ama Carabi midkood.

5 -Awood u leh taxliilinta wararka kadib marka ay dhacaan.

Caasimada Online waxay bixineysaa mushahar wanaagsan, waxayna kugu soo dhoweeneysa hab shaqo oo wanaagsan.

Qofka booskan hela ma shaqeyn doono wax ka badan 5 saac, 24-kii saacba, si uu fursad ugu helo qoyskiisa, waxbarashadiisa ama howlihiisa kale.

Haddii aad rumeysan tahay inaad buuxin karto shuruudahaas, fadlan codsigaaga kusoo dir emailka: caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this