Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Ciidanka cusub ee sugaya amniga Muqdisho oo lasoo bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye waxa uu tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo laga soo xulay degmooyinka gobalka mudda afar bilood ahna la barayay sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada ayaa la geynayaa degmooyinka uu ka koobanyahay gobalka Banaadir si loo dardar geliyo qorshaha sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada booliiska ah ee tababarka loo soo xiray waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga, isla markaana ay xoojiyaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan booliiska oo ah wehelka bulshada.

Halbeegyada Tubta Amniga iyo Cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah tayanta iyo tabarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay ugu guulaystaan sugidda amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed u hesho nabadgelya buuxda.

Hoos ka daawo munaasabadda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this