Sign in to follow this  
Deeq A.

Amisom oo 2 qarax oo culus lagula eegtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba qarax oo culus ayaa Ciidamada Midowga Afrika Amisom, waxaa lagula eegtay Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan meel ku dhaw Warshadii hore ee Baastada.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inay maqleen dhawaqa laba qarax oo culus, xilli Ciidamada Amisom ay maraayeen meel ku dhaw Warshadii hore ee Baastada.

Miinooyinkaan ayaa la sheegay inay ku aasnaayeen wadada dhinaceeda, islamarkaana Ciidamada Amisom oo meesha maraayay lagu qarxiyay mid koowaad, kadibna ay xigtay tan labaad.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay isaga oo guriga ku jira inu maqlay labada qarax, kadibna markii uu banaanka u soo baxay uu arkay gaadiidka Amisom mid ka mid ah oo qaraxyada ay waxyeeleeyeen.

“Qaraxyada Ciidamada Amisom ayaa lala eegtay agagaarka Warshada baastada ayaga oo maraayo meeshaan dhawr mar ayeey wax ka dhaceen oo qarax ah oo Amisom lala eegtay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Lama oga Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee soo gaaray Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee qaraxaan lagula eegtay nawaaxiga Warshadda Baastada ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this