Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Ugu Baaqay Ilhaan Omar Inay Iska Casisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa inay is casisho ugu baaqay Ilhan Cumar oo ah xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka, ka dib markii ay Isniintii raali galin ka bixisay haddalo ay qortay oo loo arkay inay dadka Yuhuudda ka soo horjeedaan. Ilhaan ayaa raalli galintan bixisay, ka dib markii xubnaha labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriguba ay si baahsan u dhaleeceeyeen.

F13EB9F7-451C-4114-9085-FA8853DE97A0_w10

Madaxweynaha ayaa saladii shalay warfidiyeenada u sheegay in raalli galintii Ilhan Cumar ay dhantaalan tahay, waxana uu intaas ku daray in raalli galintaas ayna waxba ka ahayn. Trump ayaa ugu baaqay in Congresska iska casisho, ama ugu yaraan ay ka baxdo guddi hoosaaska Arrimaha Dibadda ee ay xubin ka tahay.

Hadalka Trump ee uu ku mucaaradayo Ilhaan Omar ayaa waxa uu ku soo beegmay, hal maalin kadib, markii ay Raalli-gelin ka bixisay hadalkeeda ka dhanka ah Israa’iil iyo Kooxaha Maraykanka ee u ololeeya Danaha Israa’iil oo ay ku sheegtay inay yihiin carruurta Binjamiin Natayaahu.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this