Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon Xaarin “Wasiirada Cusub Ee Puntland Waxaan Ka Fileynaa Shaqo Hufan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Nabadoon C/casiis Xaarin oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda Puntland ayaa rajo aad u wanaagsan wuxuu ka muujiyey in isbedallo dhan walbo ah ay keenaan wasiirada cusub ee Puntland, kuwaasi oo maalintii shalay ahayd lagu dhaariyey magaalada Garoowe.

Wuxuu tilmaamay in dadka Puntland dhammaantood ay soo dhoweeyeen wasiiradan markii la magacaabay, ayna sugayaan un waxqabadkooda.

“Dadka Puntland ma ahan kuwo horey wax ka mucaarada, waxa ay sugaan dadka lasoo magacaabay iyo cidda lasoo doortay, marka shaqo ay bilowdo oo ay wax ka qaldamaan ayaan dhahnaa waxaas waa qalad, laakiinse wasiiradan la magacaabay waxaan ka sugeynaa shaqo adag iney umadda u qabtaan” ayuu yiri nabadoonka.

Shalay, madaxtooyada Garoowe waxaa lagu dhaariyey wasiiradii uu soo magacaabay madaxweyne Dani, waxaana horyaalla shaqooyin badan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this