Deeq A. Posted February 13, 2019 Qarax lagu xiray gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay isgoyska laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho. Gaari nooca aan xabaddu kari ayaa la sheegay in qaraxan uu ku xirnaa, waxaana ku dhintey Hal qof oo ahaa wada Bajaaj, kaasi oo halkaasi marayey, waxaana ku dhaawacmay Labo qof kale oo mid ka mid ah uu ahaa wadihii gaarigaasi. Gaadiidka gurmadka degdegga ah oo soo gaara halka qaraxa uu ka dhacay ayaa qaaday dadkii dhaawacmay, waxaana dhanka kale halkaasi gaaray ciidamada dowladda oo baaritaanno wada. Lama hayo faah faahin dheeraar ah oo ku saabsan cidda leh gaariga qaraxan uu ka dhex dhacay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites