Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo soo dhaweysay go’aanadii Shirka M/Africa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika,kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka,taasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya,maadaama ay hortaagantahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loogu guuleysto qorshaha deyn cafiska ee Soomaaliya,si loo helo horumar waara,go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika.

Qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeynayso in Midowga Afrika ay muhiimad siinayaan dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo wax wada qabsiga,iyo taageerada ay Soomaaliya u muuiyeen,ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga.

“Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga afrika ee sanadkan,kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan ururka iyo gaar ahaan,Soomaaliya,kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga,iyo arrimaha bani’aadanimo, iyo dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan gelinta qorshayaasha horumarnineed ee qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

The post DFS oo soo dhaweysay go’aanadii Shirka M/Africa appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this