Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo wiilkeeda lagu xiray Hindiya Oo baaq u dirtay DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdishoi (SMN) – Hooyo Luul Maxamed Aadan oo wiilkeeda sanadkii la soo dhaafay laga qabtay xeebaha magaalada Muqdisho, xilli uu ku jiray shaqadiisa Kaluun dabashada ayaa baaq u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada ilaalida ee ka howlgala Xeebaha dalka ayey sheegtay in wiilkeeda oo lagu magacaaabo Maxamed Seyid Axmed ay 2018-kii ku eedeeyeen in uu yahay Burcadbadeed, balse aysan waxba ka jirin eedeymahaasi.

Sidoo kale Hooyo Luul waxa ay tilmaamtay in Wiilkeeda uu u soo dhicin jiray masruufka Qoyska, markii la waayana ay u umaleyneysay in uu dhintay, balse muddo kadib dhalinyaro Burcadbadeed ku eedeysnaa oo laga soo daayay Hindiya ay u sheegeen in wiilkeeda uu kula xirnaa xabsi ku yaalla gudaha dalkaasi.

Ugu dambeyn Hooyadan Soomaaliyeed ayaa ku catawday in uu wiilkeedu u xiran yahay dulmi, waxaa ayna madaxda sare ee Qaranka ka codsatay in loo soo daayo.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

The post Hooyo wiilkeeda lagu xiray Hindiya Oo baaq u dirtay DFS appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this