Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Amniga oo howlgal ka sameeyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliska Gobolka ayaa Xalay xir xiray dhalinyaro badan kadib howlgal ay ka sameeyeen degmada Warta Nabada ee Muqdisho.

Howlgalka ayaa laga sameeyey inta udhaxeeysa Cali Kamiin ilaa Baar ubax.

Howlgalkaan ayaa ka dambeeyey weerar habeen hore lagu qaaday xero ciidanka ku lahaayeen halka loo yaqaano Furayaasha.

Howlgalka ayaa waxaa lagu qabtay dad aad u farabadan oo u badan dhalinyaro.

Waalidiin badan oo caruurtooda howlgalka lagu qabtay ayaa xalay hor dhoobnaa xarunta xisbiga oo ciidamada ay fariisin ku leeyihiin.

Puntland Post 

The post Ciidamada Amniga oo howlgal ka sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this