Sign in to follow this  
Deeq A.

“Arrinta Al-Shabaab ay ka wadaan Shabeelooyinka Xamar ayay dhib ku tahay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka xooga dalka ayaa sheegay in halis aan lagu baraarugsaneyn ay ka jirto gobolada dalka gaar ahaan Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Qabiirada dhanka amaanka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay dib ugu soo xoogeysanayaan labadaasi gobol, islamarkaana taasi ay halis ku noqon doonto xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho.

Korneyl Mohamed Axmed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka fakarto sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaalada Muqdisho, islamarkaana laga hortago isbalaarinta Al Shabaab.

Sarkaalka ayaa sheegay in Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal kadib markii marar badan weeraro ay ka geysteen saldhigyada ciidamada ee Shabeelaha Hoose, taasina ay u fududeyn karto inay dib u adeegsadaan hubka.

“Al Shabaab waxay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo hub badan, markii ay weerarayeen xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, taasi waxay u sahli kartaa inay kusoo weeraraan Muqdisho, iyaga oo farsameyn kara hubka”.

Arinta bixitaanka ciidamada AMISOM ayuu sheegay inaan wali la gaarin maadaama aan la dhisin ciidamo u diyaarsan inay amaanka kala wareegaan Al Shabaab.

Dhamaadka bishan waxaa la qorsheynayaa in ciidamadii ugu horeeyay oo ka tirsan kuwa Burundi ay ka baxaan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this