Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadweynaha reer Burco oo ku farxey iscasilaadda Guddiga doorashadu

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadweynaha reer Burco oo ku farxey iscasilaadda Guddiga doorashadu gudbiyeen.

Magaalada Burco waxaa ilaa maalmahanba koone ilaa koone dadku ka hadlayeen sida goobaha lagu Shaaho, suuqyada ganacsiga iyo dhulka siyaasadda lagu faalleeyaba iney arrin saxan oo qiimo badan tahay iscasilaadda la sheegey in guddiga doorashooyinku ula tageen madaxweynaha Somaliland dhowaan. Dadka reer burco iyagoo aan u eegayn muxaafid iyo mucaarad iyo xisbi waxay dhammaan isku aragti ka ahaayeen in aan loo baahneyn cid fadqalalo sabab u noqota waayo wadajirkeenna ayaa wax kasta ka qiimo badan ee qof binu aadam ah oo KIISHKIISA dhaansanaya waxba inagama khuseyso. Waxay dadka wax garadka ahi isku raaceen in nimankan loo yaqaanno GUDDIGA DOORASHOOYINKA ee uu madaxda u yahay Siciid Cali Muuse (SICIID NAAKHUUDE) oo markoodii horeba la MUSTAFEEYEY oo ahaa kuwii ugu musuqa badnaa, ugu caddaalada yaraa, ugu xilkasnimada darraa ee weligeed soo mara Somaliland iney waddanka dhibtooda iyo sharkooda ka badbaadiyaan oo ina dhaafaan. Dadka aanu ra’yi ururinta ka qaadney waxay isku raaceen nimankani waxay isugu dhejiyaan Meesha haddii la diidey waa uun fidno iyo shar wixii ay doonayeen adduunyo xaaraana ayay ahayd tiina hele oo buuxsade haddey wax u tareyso ee yaaney dadkayaga isku dilin ee hanna dhaafaan. Waxaan aad ula yaabey Nin reer burco ah ayaa I tusey Baabuur iyo guryo uu durbaba ka gaadhsiiyey ninkii qolada loo yaqaanno GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA ugu qaabbilsanaa BURCO wuxuu ninkaasi oo ay isku ARDAA ahaayeen igu yidhi bal ka warran ninkaasi inuu hodmey ayuu isu haystaa waxase aan la yaabbanahay isaga iyo kuwa Hargeysa joogaa waxay Meesha isugu dhejinayaan haddii garsoorkoodii keeney iney carruuri foodkii gasho aniguse kaas xaaraanta gadhka u samaystey qabiil ma ugu hiilin karaa?.

Xamse Yuusuf
faraska1988@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this