Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninka Sida Weyn Uga Ganacsan Jiray Daroogada Mr El Chapo Oo Dambi Lagu Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ninka sida weyn uga ganacsan jiray daroogada ee u dhashay dalka Mexico Joaquin “El Chapo” Guzman ayaa lagu helay danbiyo lagu soo eedeeyay oo ah inuu daroogo u soo safrin jiray dalkaan Mareykanka.

0075EDDB-B3EB-4AB6-B10A-F274B0E30448_cx0

Guddi xeerbeegti oo ay Maxkamad ku taalla magaalada New York u saartay dhageysiga dacwado 10 ahaa oo lagu soo oogay, ayaa muddo lix maalmood ah oo ay kiiskani ka doodayeen, waxay Talaadadi shalay isla garteen inuu danbiile yahay.

El Chapo ayaa waxaa laga yaabaa in lagu xakumo xabsi daa’in. Waxaana taasi ay soo gaba gabeyn doontaa awoodihi uu ku lahaa kooxda gaangistarada Sinaloa eek a ganacsada daroogada.

Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa ku eedeeyay ninkani inuu Mareykanka soo geliyay daroogo tiro badan inti u dhaxeysay billowgii sideetannadi ilaa laga soo qabtay sannadki 2016-ki.

Ka hor inta aysan dowladda Mexico usoo gacan gelinin Mareykanka sannadki 2017-ki.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this