Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Ku Dhaqan Tukaraq Oo Ka Cabanaya Xaalad Nolol Xumo

Recommended Posts

Deeq A.   

Shacabka ku dhaqan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ka cabanaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, iyadoo la sheegayo in deegaankaasi iyo deegaannada ku dhow ay abaar ka jirto.

C/qani Maxamed, guddoomiyaha gobolka Sool oo kormeeray deegaankaasi ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shacabka ayaa sheegay iney u baahan yihiin gurmad degdeg ah islamarkaana xaaladooda ay aad u adag tahay.

Guddoomiye C/qani oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haddii dadkan aan gurmad loo helin ay xaaladda meel adag gaari karto.

Wuxuu sheegay in maamulkooda uu dedaal ku bixin doono sidii loo heli lahaa cawinaad degdeg ah.

Tukaraq ka sokow abaarta ka jirta weli waxaa laga dareemayaa saameynta dagaalladii dhowaan halkaasi ka dhacay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this