Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni Oo la kulmay golihiisa wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( S,MN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Punland ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi.

Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa uga digay golihiisa wasiirada in ay ku kacaaan falal la xariira musuq-maasuq iyo wax isdaba marin.

Sidoo kale waxa uuu kula dar daarmay in ay la yimaadaan hanaan ku dhisan iskaashi dhexdooda ah, si bulshada loogu faa’iideeyo adeegyada aas aasiga ah.

Dhankooda wasiirada cusub ayaa ballan qaaday in ay gudan doonaan waajibaadka loo igmaday, islamarkaana ay horumarin doonaan shaqooyinkooda.

Shalay ayey aheyd markii xubnahani lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland.

The post Madaxweyne Deni Oo la kulmay golihiisa wasiirada appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this