Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan Oo ka dhacay duleedka M/ Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka M/Muqdisho.

Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, basle Al Shabaab oo ka hadlay waxa ay sheegeen in ay ku qabsadeen mid ka mid ah gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisamaha ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Dagaal xoogan Oo ka dhacay duleedka M/ Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this