Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar ka mida gaadiidleyda Muqdisho oo shan sano laga mamnuucay dekeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah milkiilayaasha gaadiidka xamuulka qaada ee ka shaqeyn jiray dekadda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidkooda loo diiday inay gudaha u galaan dekadda, kadib markii ay warbaahinta la hadleen.

Gaadiidleydaan ayaa sheegay in muddo shan sano ah loo diiday inay ka shaqeeyaan dekadda magaalada Muqdisho waxaana ay sheegeen inay dhibaatada lagu hayo soo bilaabatay dowladihii Xasan Sheikh Maxamuud.

Xiligaan la joogo ayay sheegeen inay xaaladda kasii dareyso islamarkaana dowladda Madaxweyne Farmaajo aysan wax ka qaban cabashada ay qabaan gaadiidleyda waaweyn ee ka xamaalan jiray dekadda.

Gaadiidleyda ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay u gacan gelisay dekada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lacago xad dhaaf ah ka qaada gaadiidka qaar ee galaya gudaha dekada magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi Cali Faarax oo ah afhayeen u hadlay gaadiidleydaan ayaa sheegay in wasaaradu ay siisay Shati, balse markii dambe ayuu sheegay in laga celiyay, taasi oo keentay inuu gali waayo dekadda.

Afhayeenka ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay kala kulmeen wasaaradda gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in gaadiid badan ay ku jiraan garaashyada Muqdisho, maadaama ay shaqo la’aan ku dhacday.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/war-yaxye-ciise-gaadiidlayda.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this