Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo Muqdisho ku xirtay Faarax Maxamed Turbac

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ku xirtay Sarkaal lagu magacaabo Faarax Maxamed Turbac oo ah guutada 10-ee qaybta 43-aad Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa loo haystaa dil loo gaystay lix nin oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo lagu dilay Magaalada Baardheere bilowgii sanadkaan.

Lixda nin ee Shabaab ka tirsan ayaa lagu toogtay Baardheere, iyadoo aanan wax maxkamad ah la soo taagin, waana arrinta keentay in Dowladda Soomaaliya ay soo xirto Sarkaalkan oo bixiyay amarka lagu dilay xubnahan Shabaab ka tirsanaa.

Xildhibaano ku hayb ah lixda ruux ee la dilay ayaa la sheegay inay dacweeyeen Sarkaalkaan, kadibna waxaa loogu yeeray inuu yimaado Magaalada Muqdisho oo lagu xiray.

Saraakiisha Militariga Degmada Baardheere ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin tallaabada lagu xiray Sarkaalkaasi, waxayna dalbadeen in si deg deg ah loo sii daayo Faarax Maxamed Turbac.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya & Wasaaradda Gaashaandhigga intaba kama aysan hadlin xarigaan loo gaystay Sarkaalkaan ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this