Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiirkii Asaasiga U Ahaa Dimuqraaddiyadda Somaliland Oo Halis Ku Jira

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xisbiyada mucaaradka ah, hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda iyo ururrada ay ku midaysan yihiin saxafiyiintu ayaa ku eedaynaya xukuumadda Somaliland inay la dagaalamayso xorriyaddii hadalka.

105619898_somaliland2222.jpg

“Dhawaan Boorama iyo Gebilay saxafiyiin ayaa lagu xidhay, kuwaasoo lagusoo eedeeyey inay dawladdu dhibbane u tahay. Degmada Wajaale ayaa iyana weriye lagu xidhay iyadoo Maayir ku xigeenka Wajaale ka dambeeyey”, ayuu yidhi Maxamuud Jaamac Xuuto oo ah Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland oo BBC-da la hadlay.

Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale xabsiga la dhigay Weriyeyaal warbixin ka diyaariyay warshaddii dhuuniga ee Somaliland oo xukuumaddii hore inay kiraysay iyo inay iibisay aanay kala caddayn.

Xidhitaanka saxafiyiinta oo kali ah ma aha waxyaabaha Somaliland lagu eedeeyay ee waxay albaabada u laabtay wargeyska Hargeysa kasoo baxa ee foorre, waxayna ku eedaysay si xun wax u sheeg, balse masuuliyiinta wargeyska ayaa sheegay in eedaymaha loo soo jeediyay ay siyaasadaysan yihiin.

Dhanka kale, hal-abuur maanso tiriyey ayaa muddo bil ku dhaw xidhan, iyadoo lagu eedeeyey inu booliska Somaliland wax ka sheegay.

Sidoo kale wasaaradda warfaafinta ayaa soo jeedisay in cashuurta lagu kordhiyo warbaahinta madaxa bannaan, inkasta oo xeerkaas baarlamaanka Somaliland aanu ansixin.

Wasiirka warfaafinta, ayaa isuguna mar ku boorriyay waaxaha dawladdu in aanay war siin warbaahinta madaxa bannaan ee ay keliya siiyaan warbaahinta dawladda, inkasta oo aanay arrintaasi dhaqan gelin.

Tan iyo intaas ay Somaliland jirtay, waxa ay baadi goobaysay aqoonsi, iyadoo mas’uuliyiintuna ay sheegayeen inay u qalmaan isla mar ahaantaana dimuqaaddiyad dhif ku ah gobolka ay soo bandhigeen, iyagoo shan madaxweyne si nabada xilka ula kala wareegeen, weliba doorasho qof iyo hal cod ah ay dhacday.

“Dhaawac weyn ayay u geysanaysaa haddii la cabudhiyo saxaafadda iyo xorriyadda hadalku” waxaa sidaa BBC-da u sheegay Dr Mustafe Kaydsane oo ka faallooda arrimaha geeska

Haddaba, marka dimuqraadiyadda laga hadlayo, xorriyadda hadalku waa mid ka mida tiirarka ugu muhiimsan, haddaanu ahayn kan ugu muhiimsan, arrimahaas ayaana iminka u muuqda kuwo walaac ku keenaya dimuqraaddiyadda Somaliland.

Dhawaan haayadda Freedom House ee Washington ka dhisan ayaa Somaliland ku sheegtay in dhanka xorriyadda hadalka ay kaga wanaagsan tahay badi waddamada deriskeeda ah, sida Somaaliya, Jabuuti, Eretariya iyo Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this