Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Ku Taalla Dalka Canada Oo Laashay Racfaan Uu Qaatay Wiil Soomaali Ahi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Ontaariyo)-Maxkamadda Rafcaanka ee magaalada Ontaariyo ee dalka Canada ayaa shaacisay inay laashay Rafcaan uu soo qortay Maxamed Xasan Xersi oo 32-jir ah, kaasi oo horey loo xukumay xabsi 5 sanno ah.

Mohamed-Hassan-Hersi-660x430.jpg

Maxamed Xasan Xersi ayaa la sheegay inay la xidhay bishii March 29-dii ee sannadkii 2011-kii, xilligaasi oo ay Ciiddanka dalkaasi ka qabteen isago odoonayey inuu raaco Diyaarad duullimaadkeedu ahaa dalka Masar.

Dembi-baadhayaasha Booliska dalkaasi waxay xilligaasi ku soo eedeeyeen inuu Masar kaga sii gudbo Soomaaliya, si uu ugu biiro Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Ciidan dhar cad oo is-qariyey ayaa la sheegay inay Maxamed Xasan Xersi kala sheekeysteen Dagaalka Kooxaha Islaamiyiinta, waxayna ka duubeen cod isagoo u sheegayey inuu doonayo inuu u socdaalo Masar, oo uu kaga sii gudbin doono Soomaaliya, si uu uga mid noqdo Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay Dembi-baadhayaashu Canada sheegeen.

Garsoore ayaa waxa uu Maxamed Xasan Xersi ku xukumay xabsi 10 sanno ah, iyadoo lagu amray inusuan wax rafcaan ah qaadan karin illaa uu soo dhamaysto kala-bar xukunka lagu riday.

Go’aanka lagu laalay Rafcaankiisa waxaa ku dhawaaqday Xeer-ilaalinta Guud ee dalka Canada, iyadoo Maxamed Xasan Xersi uu haysto 60-maalmood oo uu rafcaankisia ugu gudbin karo Maxkamadda Sare ee dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this