Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo la kulmay Madaxa Bangiga Aduunka Ee Bariga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee qaar ka mid ah Wadamada Bariga Afrika sida, Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Bella Bird ay ka wada hadleen horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka iyo sidii aan u xoojin laheyn wada shaqeynta aan la leenahay World Bank.

“Waxaa sharaf ii aheyd inaan maanta xafiiskeyga ku qaabilo Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee Wadamada bariga Afrika qaar sida, Somaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi, Waxaan ka wada hadalnay horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka iyo sidii aan u xoojin laheyn wada shaqeynta aan la leenahay World Bank.”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Bangiga Aduunku uu yahay Hay’ad muhiim u ah horumarka Soomaaliya.

The post Wasiir Beyle oo la kulmay Madaxa Bangiga Aduunka Ee Bariga Afrika appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this