Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo raali-gelin bixisay kadib dagaal loogu qaaday hal erey oo ay tiri

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed.

Cambarayn ballaaran ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.

Xusbno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka.

Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb.

Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed.

Cambarayn ballaaran ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.

Xusbno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka.

Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb.

Listening and learning, but standing strong 💪🏽 pic.twitter.com/7TSroSf8h1

— Ilhan Omar (@IlhanMN) February 11, 2019

“Yuhuud nacaybku waa wax dhab ah oo jira, waxaana abaal u hayaa xulafada Yuhuudda iyo saaxiibbada kale ee wax iiga bidhaamiyay taariikhda xanuunka badan ee Yuhuud nacaybka,” ayay tiri Ilhaan.

“Waa in uu markaste jiraa rabitaan ku saabsan in aad dib u istaagno aana ka fikirno dhaleecaynta la inoo soo jeediyo, sida aniguba aan u rajaynayo in dadku ay maqlaan marka kuwa kale ay aniga wax iga sheegaan.

Ilhaan waxay sheegtay in ay wali rumaysan tahay in kuwa ol’oleeya ay “dhibaato u keenaan” siyaasadda Maraykanka ama ha noqdo ururka Aipac ama NRA.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this