Deeq A. Posted February 12, 2019 Kismaayo (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay la wareegeen deegaanka Kobon oo hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Ciidanka ayaa weerar ku qorsheysan ku qaaday deegaankaasi, iyagoona gacan ku heynta kala wareegay dagaalayahannada Al Shabaab. Sidoo kale ciidamada ayaa soo saaray ku dhawaad 20 Miino oo lagu aasay halkaasi, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo milatari ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. The post Ciidamada DFS Oo la wareegay deegaan ka tirsan J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites