Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidanka DFS Iyo Jubbaland Oo Weeraray Deegaan Al-shabaab Kaga Sugnaayeen J/hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Jubbaland ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen deegaanka Kobon ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab.

Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo khasaare kala duwan geystay, iyadoo saraakiisha ciidanka dowladda ay guulo ka sheegteen weerarkaasi.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la Hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana waxyeelo kusoo gaarsiiyeen xubno Al-shabaab ah.

Waxa uu taliyaha sheegay in ay ku qabsadeen hub badan, sidoo kalena ay fashiliyeen miinooyin dhulka ku aasnaa.

Al-shabaab dhankooda wax war ah lagama hayo oo ku aaddan dagaalkan, hase ahaatee ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmahan dambe howlgallo ballaaran ka wadan deegaannada Jubbaland.

Halkaan hoose ka arag sawirada:

q1.jpg q2.jpg q3.jpg q4.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this