Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada maamulka Puntland Oo la dhaariyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (SMN) – Golaha xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.

Dhaarinta wasiirada cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Puntland Waxaana goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir halka 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jira aan weli la dhaarin.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib golaha Xukuumadda cusub waxaana uu madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada in ay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay golahan wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba isla’ markaana waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda.

Ugu manbayntii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan ugutaan.

The post Golaha wasiirada maamulka Puntland Oo la dhaariyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this