Deeq A. Posted February 12, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliyeyaasha ciidamada howlgalka Midowga Africa ayaa shir aan caadi aheyn maanta ku leh M/Muqdisho ,kaas oo diirada lagu saarayo qorshaha kala guurka oo ay ciidanka AMISOM ammaanka dalka ugu warejinayaan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Shirkani ayaa la sheegay in uu dabo socda heshiis ay horay u wada gaareen Midowga Africa, QM iyo DFS bishii November ee sanadkii tagay, kaas oo quseeya sidii AMISOM ay u qaadi lahaayeen dulaano ay ku wiiqayaan awooda Al Shabaab, ka hor inta aysan dalka ka bixin sanadka 2021-ka. Sidoo kale taliyeyaasha AMISOM ayaa ka wada hadlaya caqabadaha illaa iyo haatan uu wajahayo qorshahooda iyo sidii taageero dhanka Saanada loogu caawin lahaa howlgalkooda Soomaaliya. Ku xigeenka madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Simog Malungo ayaa ugu baaqay in taliyeyaashu in ay xaqiijiyaan, sidii qorshahaasi looga dhigihii lahaa mid dhab ah oo guuleysta. AMISOM ayaa dhawaantani ku dhawaaqday in ay kun askari oo katirsan ciidankeeda ay ka saari doonto deegaanada maamulka HirShabelle. The post Taliska AMISOM oo shir ku leh magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites