Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya oo saaka ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu watay sarkaalkaasi, kaas oo ahaa Kaarib ay lahaayeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Dheere, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan kuwa laamaha amniga Soomaaliya.

Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay qarxan, marka laga reebo sarkaalka geeriyooday, sidoo kalena illaa hadda qofna ma sheegay masuuliyaddiisa.

Toddobaayadii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan falal amni darro ah ay uga dhacayeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Hodan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this