Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay xukuumada cusub oo la dhaarshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.

Dhaarinta wasiirada cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Puntland Waxaana goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir halka 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jira aan weli la dhaarin.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib golaha Xukuumadda cusub waxaana uu madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada in ay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay golahan wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba isla’ markaana waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda.

Ugu manbayntii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan ugutaan.

FB_IMG_1549965436163.jpg?resize=720%2C38 FB_IMG_1549965447763.jpg?resize=720%2C43 FB_IMG_1549965493472.jpg?resize=720%2C47 FB_IMG_1549965473542.jpg?resize=720%2C45 FB_IMG_1549965482221.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1549965469921.jpg?resize=720%2C43

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay xukuumada cusub oo la dhaarshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this