Deeq A. Posted February 12, 2019 Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku dileen nin la sheegay inuu ka mid ahaa ganacsatada magaaladaasi. Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash, waxaana markii la dilayey uu kasoo baxay masjid uu salaadda cishaha kusoo tukaday. Goob jooge ayaa inoo sheegay in raggii dilka geystay ay halkaasi isaga baxsadeen, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka. Magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe amni ahaan waxa ahayd mid faraha kasii baxaysay iyadoo ciidamada ammaanka ay howlgallo wadeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites