Deeq A. Posted February 12, 2019 Baladweyne (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay sarkaal ka tirsanaa ciidanka maamulka HirShabelle lagu dilay xaafadda Howlwadaag magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cali Maadey, kaas oo la sheegay in uu qaabilsanaa dhanka Canshuuraha ee magaaladaasi. Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay toogasho ay ku dileen, kadibna ay si aayar ah goobta uga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo uu maamulka degmada Baladweyne iyo kan gobolkuba uu ka soo saaray dilka sarkaalkaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dhacdooyin amni daro oo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan maamulka HirShabelle. The post Sarkaal ka tirsanaa HirShabelle Oo lagu dilay Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites