Deeq A. Posted February 12, 2019 Boosaaso (SMN) – Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay nin ganacsade ahaa ay ku dileen bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash. Marxuumka ayaa la sheegay in la toogtay, xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkani uu Xisaabiye ka ahaa shirkad lagu magacaabo Horseed oo ku taalla halkaasi. Lama oga sababta ka dambeysa dilkiisa iyo cida fulisay, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha amniga Puntland oo ku aadan dhacdadaasi. Dhawaan ayey aheyd markii Boosaaso lagu dilay madaxii shirkadda DP World u qaabilsanaa dekedda magaaladaasi, kaaso oo ay dilkiisu sheegteen Al Shabaab. The post Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites