Deeq A. Posted February 12, 2019 Addis Ababa (SMN) – Madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya, saaxiibada caalamka iyo ururada gargaarka bani’aadanimo ka fuliya Soomaaliya oo ku kulmay shirkii Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa madaxdii shirkaasi ka qeyb gashay ka codsaday in Soomaaliya laga taageero sidii looga cafin lahaa deymaha caalamiga ah. Madaxdii Soomaaliya ku mataleysay shirkii Addis Ababa ayaa dalalka Midowga Africa ka dalbaday in ay codkooda ku biiriyaan dadaalada Soomaaliya looga caafinayo deymaha lagu leeyahay, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay taasi ka caawin karto in ay dib u dhis xoogan ku sameyso kaabayaasheeda dhaqaalaha iyo sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa dadka ay saameeyen abaaraha iyo colaadaha. Wasiirka wasaaradda qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in xilligan Soomaaliya ay u baahan tahay taageero caalami ah, sidaas darteedna cafinta deynta lagu leeyahay ay fududeyn doonto qorshaha horumarinta Qaranka. Midowga Africa ayaa ku dhawaaqay in uu hormuud ka noqon doono dadaalada ay wado dowladda Soomaaliya ee ku aadan cafinta deymaha lagu leeyahay,si ay u hesho gargaar caalami ah. Deynta cafinta Soomaaliya ayaa hoos imaaneysa ha’yadda lacagta aduunka ee IMF iyo dalalka deeq bixiyeyaasha oo horay u sheegay in deymo badan ay ka cafiyeen Soomaaliya, kadib markii ay arkeen horumarka ay wado dowladda Soomaaliya. Source-CTGN. The post DSF Oo dalbatay in laga taageero qorshaha deyn cafinta appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites