Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal Al Shabaab looga furtay hub iyo gaadiid dhuxul siday oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgal gaar ah oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa saraakiisha ciidamada waxay sheegeen inay Al Shabaab kaga furteen gaadiid waday dhuxul badan islamarkaana ay ku dileen xubno doonayay inay gaadiidka gubaan.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Doonka Dheere ee duleedka degmada Afgooye, waxaana dhanka dowladda la sheegay inay askar kaga dhimatay weerarka qorsheysan ee ay ku qaadeen Al Shabaab.

Taliyaha qeybta 60aad ee ciidanka xooga dalka Korneyl Maxamed Cabdulahi Caraaye oo la hadlay idaacada ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay iney dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaal dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab ay ku dhinteen 5 dagaalame oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, sidoo kalana waxa uu tilmaamay iney howlgalkaasi ku soo furteen hub aad u fara badan.

Howlgalkaan oo kale ayaa laga fuliyay deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida saraakiisha ciidamada dowladda Soomaalya ay sheegeen.

Al Shabaab ayaa seddexdii todobaad ee lasoo dhaafay waxay Shabeelaha Hoose ku gubeen ku dhawaad 20 gaadiid oo dhuxul usoo waday magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this