Sign in to follow this  
Deeq A.

Saldhigyo Al Shabaab lahaayeen oo la burburiyay iyo miinooyin laga soo saaray (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa burburiyay saldhigyo ciidamada Al Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Jubbada Hoose kadib howlgal saacado qaatay oo ka dhacay halkaasi.

Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo guutada 43 aad ee ciidamada xooga dalka ayaa ka dhacay degmada Jamaame iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga.

Saraakiil u hadashay ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ay ku dileen xubno ka tirsan Al Shabaab islamarkaana ay ku burburiyeen saldhig ay degmada ku lahaayeen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka ay ku soo saareen ku dhawaad 20 miino oo dhulka la geliyay kuwaasi oo la doonayay in lala eegto gaadiidka ciidamada dowladda marka wadooyinka ay adeegsanayaan.

Dhaq dhaqaaqyada cusub ee ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ka bilaabeen deegaanada hoostaga degmada Jamaame ayaa joog iyo jiifsi u diiday malayshiyaadka Al-shabaab.

Jubbaland-1.jpg Jubbaland-2-696x464-1.jpg Jubbaland-3.jpg Jubbaland-4.jpg Jubbaland-5.jpg Jubbaland-6.jpg Jubbaland-10.jpg Jubbaland-14.jpg

Caasimada online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this