Deeq A. Posted February 12, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu xiray, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ahaa Kaarib, kaas oo ay ku buufsan tahay astaanka ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wadihihii gaariga ayaa lagu soo warramayaa in kaliya uu ku dhintay qaraxan, illaa iyo haddana ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. The post Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay M/Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites