Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay M/Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu xiray, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ahaa Kaarib, kaas oo ay ku buufsan tahay astaanka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wadihihii gaariga ayaa lagu soo warramayaa in kaliya uu ku dhintay qaraxan, illaa iyo haddana ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

The post Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay M/Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this