Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo taageero u raadineysa 4.6 bilyan oo dollar oo laga doonayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, Dhinacyada horumarinta caalamiga, ururada bulshada rayidka ee ka howlgala Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay hogaamiyaasha dalalka Africa iyaga oo olole u galay ansixinta  deynta tirada badan ee lagu leeyahay Soomaaliya sidii looga joojin lahaa dalka Soomaaliya.

Cadadka deynta lagu leeyahay Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay gaareyso 4.6 billion oo dollar.

Ururada aan dowliga aheyn (NGO) oo ka kooban ururada caalamiga ee bulshada rayidka iyo masuuliyiinta dowladda ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa intii uu socday shirkii madaxda midowga Africa, waxaana ay ka dalbadeen madaxda Africa inay qeyb ka qaataan deyn cafinta Soomaaliya.

Arintaasi ayay sheegeen inay dalka ku yaala Bariga Africa ee Soomaaliya ay u suuragelin doonto dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqaaleysiinta malaayiin ruux oo Soomaali ah oo colaadaha ay saameeyeen.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay wada shaqeyn maxaa yeelay deyn cafinta waxay naga caawin doontaa inaan dib u habeyno qorshaha horumarinta qaranka”ayuu yiri wasiir Jamaal Xasan wasiirka qorsheynta Soomaaliya.

Guddiga Midowga Africa ayaa ku dhawaaqay inay ka caawin doonaan Soomaaliya qorshaha caalamka looga raadinayo cafinta deymaha lagu leeyahay, taasi oo dalka u horseedeysa inuu helo caawinaad caalami ah, waxaana dhammaadkii shirka laga soo saaray baaq caalami ah oo lagu dalbaday in Soomaaliya laga cafiyo daymaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in deynta cafinta Soomaaliya ay qeyb ka qaadan doonto xal u helida qaxootiga ku dhex barakacay gudaha dalka.

“Waxaan u baahanahay abaabulka jilayaasha siyaasadeed inay qeyb ka noqdaan joojinta deymaha Soomaaluya, waxaan soo dhaweyneynaa doorashada sanadkaan  ee xal u helidda dadka gudaha ku barakacay.Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this