Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Tarsan oo qeyliyey “Homeless ayaan Nairobi ku ahay, dhaqaale ma haysto”

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Nuur Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya aysan lahayn wax miisaaniyad ah, oo ku filan.

Tarsan oo wareysi siiyey taleefishinka Universal ayaa sheegay inaysan jirin wax dhaqaale ah oo ku filan oo lagu socodsiiyo howlaha safaaradda aysan haysan.

Waxa uu intaas ku daray, in inta badan ay isku dabaraan lacagta laga helo baasaboorka Soomaaliga ee ay u sameeyaan dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Kenya.

Tarsan ayaa dhinaca kale sheegay in xitaa uusan haysan guri uu dego oo uu ku noolaado safiir ahaan.

“Aniga laba qol inta aan ka dhex dhisto safaaradda waan degi karaa, balse taas sharaf maaha, safiirka wuxuu u baahan yahay guri karaamo leh, oo uu ku casuumi karo safiirada sida isagaba loo casuumo” ayuu yiri Tarsan.

“Aniga oo safiir ah ma waxaan dhex degaa laba qolo oo apartment ah, waxaas ma sharaf baa, haddii ninkii ugu sarreeyey waddankan uu yahay homeless (guri la’aan) waa dhibaato” ayuu yiri.

Hoos ka daawo Tarsan

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this