Deeq A. Posted February 11, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Kaawo Godey ku dishay nin ka mid ahaa dadka Deegaanka. Dilkan ayaa ka dambeeyay kadib markii laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay goobtiisa ganacsi ku beegsadeen Ganacsade Abshir Muuse oo si weyn looga yaqaanay xaafadaasi. Raggii dilka geystay oo aan la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka ammaanka oo sameeyay baaritaan lagu soo qabtay dhawr qof oo dhalinyaro u badan. Dadka ehelka la ah marxuumka la dilay ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta loo beegsaday Abshir, waxayna dowladda ka dalbadeen inay cadaaladda horkeento raggii dilka ka dambeeyay. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan sare usii qaaday dilalka dadka shacabka ah ee Muqdisho, ayada oo sidoo kale billowday inay soo bandhigto muuqaalo ay kasoo duubto dilalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.om Share this post Link to post Share on other sites